Maanta waxaan qoraynaa xasuus qorkeena waxaanan kaga hadkaynaa sadex shay oo muhiim ah taasi oo kusaabsan noloshayda iyo talo wanaagsan 29/Aug/2023
Assalamu Alaikum dhamaan bulshada steemit waxaan idiin rajaynayaa wax wanaagsan waxaanan filayaa inaad dhamaantiin aad wada fiican tihiin meelkaste ood caalama ka joogtaan
Maanta waxaan xasuus qorkeena ku qoraynaa luqada somaliga ah taasi oo ah afkayga hooyo wadankayga somalia lagaga hadlo
Today we are writing our diary in Somali language which is my mother tongue spoken in my country Somalia
Luqada somaliga ah waa luqada laga hadlo wadanka somalia dhamaantood
Waana luqada dalka hooyo
Sidaa darteed maanta waxaan jeclaystay inaan xasuus qarkayga ku qoro luqada somaliga ah
Waana waajib inaan ku hadlo luqadayda afka somaliga ah taasi oon jecelahay inaan markate baro dadka kale een garanayn midan
Maanta waa maalin wanaagsan
Maanta waa maalin kale oo quruxbadan waxkatena way fiicanyihiin alhamdulilah ilaahay baa mahadoo dhan iska leh
Markaste waxaan ku ducaystaa inay noloshayda danbe ii hagaagto oo aan noqdo mid ka guulaysta nolosha adag taasna waan ku dadalaa markaste sidii aan ku afjarmi lahayd nolosha mida xun ee wadata qabadhaha
Noloshaydii aan soo dhaafay waxba kama badali karo
Waayo hadii ay jirto inaad noloshadii aad soo dhaaftay wax aadka badali lahayd aniga ahaan maanta wax isoo maray mar ayaan toosin lahaa balse waan soo dhaafay waxaasoo dhan dhamaantood xumaan iyo wanaag waxaan soo sameeyay waa mid iigu jira buuga xasuustayda noloshaydii yaraanta
Noloshaada hore eeg markaste
kalsoonida naftaadu waa midii awood buuxda kuu siin lahayd waxqabadka xukuumada noloshaada
Baro kalsoonida isku kalsoonow waayo inaad naftaada ku kalsoonato waa qayb kamida dheeli tirka noloshaada (noloshaada kaagama baahna inaad dadka kale hadaladooda ku dhaqaaqdid adiga oo ilaaway kalsoonida naftaada)
Noloshaada xaq ayay kugu leedahay isku kalsoonow aamin naftaad
Waayo waxaad go aamisid ee ku saabsan noloshaada waa inaad ka taxadartaa adiga oo raacinaya kalsoonida naftaada
●aamin naftaada
●isku kalsoonow
●ogaw in aad waxkaste qaban kartid
●waligaa ha niyad jabin marna
●ogow inaad ugu danbayn guulaysan doontid
●yeelo hadaf tayo leh
●markate yaan la dulmin noloshaada adiga oo caafimad qaba leh maskax furan
ugu danbayntii muuji farxadaada
Markaste dhoola cadee xataa hadii aanad haysan farxad dhamaysa waayo Farxada qosolkaagu waxay kaa dhigaysaa mid markaste aanay wax ka maqnayn
Dhamaantiin waan idin salamayaa bulshada quruxda badan ee steemit dhamaantood
Waxaan idin rajaynayaa guul guul
Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay ka mid noqoshada bulshada steemit anigoo ku nool gadaha somalia
Waxaanan kula talin lahaa dhalin yarada somaliyeed inay isticmaalaan madashan quruxbadan anigoo tusaya
Madashan maaha inaad dakhli ka raadiso ee waa inaad noqotaa mid guulaysta waxna ka faaiida markate
Guul ayaan idiin rajaynayaa Dhamaantiin