DAAFsteemCreated with Sketch.

in #life6 years ago

DAAF

Daafku waa caabuq ku dhaca isha,gaar ahaan qaybta cad xuubka qarada yare ee ku dul yaala.
(Xuubkaasi waa mid ku ku fidsan ilaa xiribaha xagooda hoose).

Maxaa keena Daafka?

Waxaa jira tirooyin keenayaal ah oo sababa Daafka,waxaana ka mid ah;
• Bakteeriya
• Fayras
• Allerji
• Dhaawac isha soo gaadha.

Daafka ay sababto Bakteeriya iyo fayrasku waxaa ay si dhib yar uugu gudbi karaan qof iyagoo qof kale ka imaanaya,laakiin maaha mid caafimaadka wax wayn u dhimaysa hadii sida saxda ah loo daaweeyo.midda carruurta yaryar ku dhacda waa in si dhakhso ah loogu wargaliyaa dhakhtarka.

Waa maxay calaamadaha Daafku?

Calaamaddaha daafku way kala duwanyihiin waxa caabuqa sababay awgeed,waxaa ka mid ah;
• Casaan ka muuqda qaybta cas ee isha.
• Qofka oo ilmo badan isku arka.
• Isha oo ay ka muuqdaan dheecaan huruudda.
• Qofka oo aan si wacan wax u arkin.
• Iftiinka oo dhiba.
• Isha oo uu ka dareemo gubasho.

Hadii aad calaamaddahan isku aragto la xidhiidh dhakhtarka indha si uu u baadho ishaada una daaweeyo,bakteeriyada iyo fayraska keena caabuqan waxay la xidhiidh yeelan karaan xannuunada layskugu gudbiyo Galmada.

Daawaynta Daafka.

Daawaynta Daafku waxa ay ku xidhantahay hadba waxa sababay caabuqa;
Bacteeriya: waxaa lagu daaweeya daawooyinka jeermiska dila ee loo yaqaan antibaayootics iyagoo ah il-dhibceedyo,dhiiqo illeed ama kiniin ahaan.xanuunku waxaa lagaga bogsan karaa muddo 7 cisho ah.
Fayras: caabuqa uu caynkan ah waxaa keena fayrasyada sidoo kale keena Durayga/Hargabka waxaana lagaga bogsoodaa 4 ilaa 7 cisho sida Durayga oo kale.
Fayrasku sidaan wada ogsoonahay malaha daawo,hadii caabuqu uu ku dhammaan waayo muddadaas si degdeg ah uula xidhiidh dhakhtarka indhaha.
Allerji: Waa in laga daaweeyaa xaasaasiyadda si looga taqaluso allerjida isha ku dhacday.
Waxaa dhacda iyadna in mararka qaar ay sababaan Daafka saxar ku dhaca isha,kiimiko gaadha iyo dhaawac soo gaadha isha.

Saxarka iyo kiimikada sababta indhocasaanka waxaa lagula tacaalaa in lagu maydho biyo isla markaa ilaa 4 saac ayay qaadan in ishu ay caadi noqoto.
Dhaawaca si gaar ah ayaa isagana loo dawayn,iyada oo la eegayo qaybaha kale ee u dhaw xuubka.

Coin Marketplace

STEEM 0.18
TRX 0.13
JST 0.030
BTC 58296.60
ETH 3064.91
USDT 1.00
SBD 2.26